|
Jabuuti,(insidesomalia.org)-Waxaa lagu wadaa in duhurnimada maanta uu ka furmo Dalka Jabuuti kulan dhexmaraya Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbahaysiga dib u xogeynta, iyadoo shirkaas ay isugu imaanayaan guddiyo ka kooban ammaanka iyo siyaasada oo ka socda labada jaanib, wuxuuna shirkaan socon doonaan muddo saddex casho ah.
Wafdiga shirkaas u matalaya Dowladda ayaa ku sugan dalka Jabuuti, iyadoo wafdigaan uu hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta, dhallinyarada iyo Isboortiga Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan.
Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray iyaguna saaka aroornimadii hore dalka Jabuuti, iyagoo durba qaatay kulan gaar ah, laguna wado inay magacaabaan xubnaha shirkaas uga qaybgalaya.
Ergayga gaar ka ee Qaramada Midobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliyaa Axmed Walad Cabdalla iyo xubno kale oo fara badan ayaa iyaguna gaaray dalka Jabuuti, si ay goobjoog uga ahaadaan kulanka maanta furmaya.
Sidoo kale Jabuuti waxaa iyaguna gaaray wafdi ka tirsan Isbahaysiga oo ka yimid dalalka Yurub, kuwaasoo uu hoggaaminayo Cabiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahaa madaxii wafdigii heshiiska la saxiixday Dowladda.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in 11:00 barqonimo ee maanta uu ku furmo shirkaan guriga Ummadda ee dalka Jabuuti, iyadoo uu ka qaybgalayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Aqristayaal, waxaan idinla la socodsiin doonaa shirka ka furamaya dalka Jabuuti, iyo heerarka uu maro, haddii Alle raalli ka noqdo.
|